Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalo qaraar oo ka socda marinka Gaza iyo ciidamada Israel oo..

Israa’iil ayaa dhammaan Ciidankeedii  lugta iyo kuwa  taangiyada gelisay  gudaha magaalada Gaza sida ay ku warantay warbaahinta Israel

Waxaa halkaas ka socdan dagaalo culus ,waxana la arkayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil oo Qaza ka daad guraynaya askarta dhaawaca ah iyada oo Israa’iili ay sii ballaarisay duqaymadeeda ay ku xasuuqayso shacabka reer Qaza ”

Dagaalyahanada Qassam ayaa sheegay in ay bariga magaalada Khan Younis ka fuliyeen hawl gal ballaaran oo ay la beegsadeen ciidamada Israa’iil kuwaas oo ay ka dhigeen wax la dilay iyo kuwo la dhaawacay

Waxay intaas ku dareen inay arkeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil oo qasaarihii goobtaas ka daad guraynaya

Dhinaca kale, Dhawaqa  digniinta weerarka ayaa laga maqlay goobo badan oo ka mid ah degaanada  Israel ah xoogga ku haysato, oo ay ku jirto Qudus.

Ciidamada Israa’iil oo sheegay in ay arkeen gantaal laga soo riday Yemen oo degaanadaas ku soo jeeda.

Related posts

Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkooda ku celinaysa boqolaal Soomaali ah

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya Wariye Caan ah oo la toogtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xiisad ka taagan Boosaaso iyo taliska Booliska G/Bari oo amar cusub oo soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---