Allbanaadir.com
NEWS

Duufaano ku soo wajahan qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland ayaa soo saartay digniin rasmi ah oo ku aaddan dabaylo xooggan oo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qaybo kamid ah Deegaanada Jubaland maalmaha soo socda.

Digniintaan ayaa lagu sheegay in dabaylahaasi ay noqon karaan kuwo sababa khasaare hantiyadeed iyo mid nafeed haddii aan taxadar la muujin.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dabaylahaasi ay la socdaan roobab xoog leh iyo hirar dhaadheer oo saameyn kara magaalooyinka Kismaayo, Badhaadhe, iyo deegaanada kuteedsan Xeebaha.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan shacabka Jubaland, gaar ahaan dadka ku nool agagaarka xeebaha iyo kalluumeysatada, in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ay raacaan tilmaamaha iyo talooyinka ay bixinayaan wasaaradda iyo Maamulada Degmooyinka.

Sidoo kale, wasaaradda waxay kula talisay in aan la gelin badda inta ay socoto xaaladda cimilada ee halista ah, ayna ka fogaadaan meelaha ay suuragalka tahay in daadad ama dabaylo waxyeello ka geystaan.

Related posts

Dil argagax leh oo loo geestay Macalin Dugsi Qur’aan iyo Xaaskiisa iyo Booliiska oo howlgal…

Cabdi Cade

Ex-Wasiir Juxa oo si kulul u weeraray Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre

Caydiid Ali

Weriye shaqadeeda ku weysay su’aal ay hor dhigtay Madaxweyne caan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---