Faah Faahino kasoo baxaya Wariye Caan ah oo la toogtay (Daawo Sawirada)

Wariye caan ah oo u dhashay dalka Holland ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Amsterdam ee caasimada dalka Holland, waxaana wariyahan toogashasa kasoo gaartay dhaawac halis ah.

Peter R de Vries oo ahaa Wariye caan ku ahaa baarista falal dambiyeedyada ka dhaca gudaha Holland ayaa la toogtay isaga oo wado socda, waxaana wariyahan lagu dhuftay shan xabadood oo qaarkood uga dhaceen madaxa.

Booliiska Holland war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in wariyaha oo dhaawac halis ah qaba isbitaal loo qaaday noloshiiana lala tacaalayo, waxaana goobta ka baxsaday nin lagu tuhmayo in toogashada geestay.

War kasoo baxay booliiska ayey shacabka uga codsadeen in gacan ku siyaan soo qabashada ninka toogashada fuliyay oo laga arkay CCTV, waxa ayna booliiska shacabka ka codsadeen in muuqaalka toogashadan oo argagax leh aysan baraha bulshada ku baahin.

Xukuumada Holland ayaa si kulul u canmbaareesay weerarkan lagu dhaawacay wariyahan caanka ku ahaa falal dambiyeedyada, waxa ayna dowlada sheegtay in sharciga la horkeeni doono dadkii falkan ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -