Xiisad ka taagan Boosaaso iyo taliska Booliska G/Bari oo amar cusub oo soo saaray

Xiisada ka dhalatay xariga guddiga dhismaha wadada Boosaaso ayaa soo xoogeysatay caawa ka dib markii Boosaaso lagu xiray guddoomiyihii guddigaas Shiikh Maxamed Macalin oo ka soo laabtay safar uu ku maqnaa.

Xubnaha kale ee guddigan ayaa horey ugu xirnaa halkaas iyadoo loo heysto dhaqaale ay ka heleen dowlada federaalka oo loogu talo galay in lagu dhiso wadada Boosaaso.

Waxaa Magaalada ka socda kulamo ay leeyihiin waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo ka careysan xariga Puntland u geysatay masuuliyiintan.

dhinaca kale, Taliska Qaybta Booliska Gobalka Bari ayaa ka digay shirararka iyo kulamada siyaasadeed, waxaana ay masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha Hotelada Boosaaso fareen inaan lagu qaban karin wax kullamo ah oo aan fasax looga haysan Taliska Booliska iyo maamulka Degmada .

Ciidamo sugaya amaanka ayaa lagu arkayey maalmihii u dambaysay magaalada Boosaaso , kuwaasoo qorshuhu yahay inay ka hortagaan isu soo baxyo bulsho oo laga cabsi qabo iney magaalada ka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -