Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkooda ku celinaysa boqolaal Soomaali ah

Dowlada Jarmalka ayaa qorsheyneysa in qiyaastii 200 oo qaxooti Soomaali ah ay dib ugu celiso dalkoodii ka hor dhamaadka sanadkan  sida uu qoray Wargeyska Taz.de oo soo xiganaya afhayeenka Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Jarmalka Lisa Häger.

Qaxootiga Soomaalida ee ku Nool Jarmalka ayaa sidoo kale weyn doona Xuquuqda Magangalyada haddii loo aqoonsado iney yihiin dad aan buuxinin nidaamka Magangalyo doonka.

Safaarada Soomaalida ee Berlin ayaa la xaqiijiyey iney kala shaqeyneyso dowlada Jarmalka in dadka Magangalyo doonka ah dib loo celiyo sida ay aaminsan yihiin qaar ka mid ah Soomaalida dalkaas ku nool.

Soomaalida loo diiday magangelyada oo badankood tahriib dhinaca badda ku galay Yurub ayaa ka walaacsan qorshaha jarmalku dib ugu celinayo dalkooda oo ay weli ka jiraan dhibaatooyinkii nololeed ee ay markii hore ka tageen.

Jarmalka waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay kumanaan, iyadoo dowlada wadankaas ay sanadkii  2018 todobo qof oo Soomaali ah ku celisay dalkooda, halka lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2019-kana illaa 4 Qof oo Soomaali ah dib ugu celisey dalkoodii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -