Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo digniin amni oo heerkeeda sarreeyo kasoo saartay Muqdisho

Dowladda Mareykanka , ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay tagaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho , iyada oo sheegtay in ay jiraan xaalado halis gelin kara nolosha muwaadiniintooda haddii ay tagaan caasimadda Soomaaliya.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa soo saartay digniin heerkeeda sarreeyo oo la gaarsiiyay derajada afar, waxa ayna Wasaaradda uga digtay muwaadiniinta Mareykanka in ay u safraan gudaha Soomaaliya ay ka jiraan xaalado amni oo halis gelin karta.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka , ayaa sheegtay in dhoor sababood darteed muwaadiniinteeda uga digtay Muqdisho, Mareykanka ayaana sheegay in ay dhici karaan falal argagaxiso iyo sidoo kale kacdoono ay sameeyaan shacabka oo halis gelin kara nolosha muwaadiniintooda.

Mareykanka, ayaana shaqaalaha ka jooga Soomaaliya gaar ahaan Muqdiso uga digay in ay ka baxaan xeendaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane, waxaana shaqaalaha looga digay in xeendaabkaasi aysan bannaanka uga bixin inta xaalada amni ay jirto.

Digniintan Mareykanka soo saaray , ayaa imaaneysa xilli amaanka magaalada Muqdisho aad u wanaagsanaa mudooyinkan, mana jiro dowladda Soomaaliya wax war ah oo kasoo saartay digniintan qalqalka abuureysa ee Mareykanka soo saaray.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sargaal katirsanaa Amniyaadka Al Shabaab oo la sheegay in lagu qabtay Muqdisho

Cabdi Cade

Lamaane faafinayey diinta Masiixiga oo loo soo masaafuriyey Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidan Soomaali ah oo lagu tababaray Markabka SANTA MARIA F-81

Caydiid Ali
Taboola Ads ---