Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sargaal katirsanaa Amniyaadka Al Shabaab oo la sheegay in lagu qabtay Muqdisho

War kasoo baxay hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidankooda gacanta ku dhigeen sargaal horjooge u ahaa koox kamid ah amniyaadka Al Shabaab ee Muqdisho ka howlgala.

Ciidamada NISA ayaa la sheegay howlgal gaar ah ay fuliyeen shalay oo jimco ah lagu soo qabtay nin hogaamiye u ahaa koox kamid ah raga dilalka qorsheesan ka fuliya magaalada Muqdisho.

”Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay;ada NISA.

Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaan faah faahin badan ka bixin ninkan a soo xireen magaciisa iyo goobta laga soo qabtay, waxa uuna ninkan hada ku xiran yahay xabsi gaar ah ay leeyihiin ciidanka NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Miinooyin la sheegay in laga keenay Eritrea oo Muqdisho laga soo dejiyay iyo cida lala beegsanayo oo …

Cabdi Cade

Dad ka badan 20 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhisme ku yaalla marinka Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Fanaan caan ka ahaa Wadamada Carabta iyo Somalia oo geeriyooday isagoo 82 jir ahaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---