Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirrada dowladda oo qaarkood isku beddelay muqallasiin dad tahriibiya !

Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dhaqaalo badan ka sameenaya tahriibinta dadka shacabka ee doonaya in ay tagaan waddamo Yurub katirsan, kuwaa oo lagu wadayo in ay yihiin shaqaalo dowladeed oo shirar caalami ah ka qeyb galaya.

Wasaaradaha Xukuumadda qaarkood, ayaa soo hela fursado ay shirar ka dhacaya waddamo Yurub kuyaalla , waxaana masuuliyiinta shirarkaasi aadaya horey usii raaca dhowr qofood oo laga dhigo shaqaale dowladood, kuwaa oo lacago badan looga qaato sidii Yurub loo geyn lahaa.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS, Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtar, ayaa dhawaan lagu wadaa in iyada xubno kale oo tahriibayaal u badan safar u aadaan dalka Talyaaniga, halkaas oo la sheegay in ay shir uga qeyb galayaan.

Dadka la socda Wasiiradda waxaa ku jira ilaa 7-qof oo la sheegay in aysan ka tirsaneyn shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, kuwaas oo laga dhigay shaqaale Wasaaradeed, balse lacago badan looga qaadanayo safarka lagu geenayo Yurub.

Dadkan shaqaalaha dowladda laga dhigay ee la tahriibinayo , ayaa marka ay dalka Talyaaniga tagaan uga sii gudbi doona dalal kale iska dhiibi doona, halka Soomaaliya dib ugu soo laaban doonaan Wasiiradda iyo dhowr qof kale oo wata baasabooro dalal shisheeye.

Wasiirradda Xukuumadda Soomalaiya qaarkood oo lasoo daristay dhaqaalo darro, ayaa hadda bilaabay in ay lacago ka raadiyaan tahriibinta dadka sharcirada ah iyaga oo shaqaale dowladeed ka dhigaya, waxa ayna qofkii la wadayo laga qaadaa lacag garaeysa 15-kun oo dollar.

Shabkadda Allbanaadir, ayaa shalay baahisay liiska dad ku dhaw 20-qof oo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyadana u wado dalka Switzerland , kuwaa oo lacago badan looga qaatay sidii Yurub loo geyn lahaa, dadkan ayaana laga dhigay shaqaale dowladeed oo shir ka qeyb galaya.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiirka Qatar oo Socdaal lama Filaan ah ku tagay dalka iran (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maamulka Galmudug oo aqoonsi degmo siiyey degaan hoos taga Galgaduud (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Danab oo dilay labo sargaal oo katirsan Al Shabaab iyo Magacyadooda oo lasoo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---