Lamaane faafinayey diinta Masiixiga oo loo soo masaafuriyey Muqdisho

Somaliland ayaa magaalada Muqdisho u soo musaafurisay lamaane lagu eedeeyey inay faafinayeen diinta Masiixiga

Booliska Somaliland ayaa lamaanahan kasoo qabtay gudaha magaalada Hargeysa 21-kii September, kadib markii gurigooda laga helay qoraalo iyo waxyaabo kale oo la xiriira faafinta diinta Masiixiga

Go’aanka lamaanahan loogu soo masaafuriyay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu ka soo baxay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex.

Lamaanahan midkood oo ah ninka ayaa la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo koonfurta Soomaaliya, halka Haweenaydu tahay reer Somaliland waana taas sababta loogu soo masaafuriyey Muqdisho.

Saraakiil ka socotay Midowga Yurub ay cadaadis ku saarayin Somaliland inay sii daayaan lamaanahan oo muddo bilo ah ku xirnaa xabsiga hargeysa.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii magaalada Hargeysa lagu qabtay xus la sheegay in loo sameynayey ciidamadii Ingiriiska ee ku geeriyooday dagaalkii koowaad ee adduunka, waxaana goobta lagu xusayey ka muuqatay astaanta diinta masiixiga (Macatab) iyadoo ay joogeen masuuliyiin ka tirsan Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -