Wada xaajoodkii u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil ayaa maanta mar kale dib uga bilaabmay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Wargeyska “Israel Hayom” ayaa sheegay in wadahadalkan ujeedkiisu yahay sidii loo heli lahaa xal lagu joojiyo dagaalka Gaza iyo sii deynta maxaabista halkaas lagu haysto.
“Wadahadalladii ayaa dib u billowday, halkaasoo Qatar ay u kala gooshayso qolka Israa’iil iyo qolka Xamaas. Wakiilka Mareykanka, Wietkov, ayaa ku jira khadka telefoonka oo si dhow ula socda horumarka”
Weriye ka tirsan kanaalka 12 ee Israel ayaa sheegay in Wadahadallo kulul oo is-daba-joog ah ay ka socdaan Doha.
Warbaahinta Walla oo soo xiganaysa ilo Israa’iili ah ayaa baahisay in Xamaas ay ogolaatay inay gasho wadahadallo, balse ma oggolaan hindisaha uu watay Wietkov.
“Israa’iil iyo Xamaas ayaa markii ugu horreysay bilooyin gudahood bilaabay nooc wadahadallo dadban ah. Sida uu sheegay Wasiirka Ammaanka ee Israa’iil, labada dhinac waxay ogolaadeen inay bilaabaan wadahadallo aan shuruudo la is weydaarsan iyagoo isku dayaya inay wax ka beddelaan hakadka wadahadallada.
Wadahadalkan ayaan la fileyn inuu si deg deg ah u guuleysto maadaama labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin qaabka loo gaari karo heshiis, isla markaana mid walba uu wato shuruudo aan u cuntameynin dhinaca kale.