Allbanaadir.com
NEWS

Hagidda, Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga oo laga shiray

Guddoomiyaha Guddiga Hagidda Dad dhigista iyo Tarakoobka Xaaladaha Madaniga ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulank Sanadeedka Guddiga Hagidda Dad-dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay shaqada u qabsoontay guddiga, wuxuuna yiri”Muddada uu Guddigaani shaqaynayay, waxaa horumar fiican laga gaaray dejinta siyaasadaha, sharciyada, istaraatijada iyo qorshooyinka lagu maamulayo adeegga dad-dhigista kuwaa oo badankooda uu ansixiyay Guddigan. Sidoo kale, Guddigani wuxuu ku guulaystay inuu hirgeliyo adeeg dhijitaal ah oo si midaysan loogu bixinayo adeegyada dhalashada iyo dhimashada kaasi oo wejigiisa kowaad laga hirgeliyay 19 degmo oo ku kala yaalla dawlad goboleedyada dalka”.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka hadlay dedaalka uu guddiga ku bixiyay karaanka iyo tayada howlwadeennada Hay’adaha, wuxuuna yiri “ Dhinaca kale, waxaa in la xuso mudan Guddigu dadaal farabadan ku bixiyay dhisidda karraanka hay’adaha iyo hawlwadeennada kala duwan ee u xilsaaran adeegga dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah. Waxaa tababbaro dibedda iyo gudaha ah la siiyay hawlwadeennada ka kala socday Dawladda Federaalka, dawlad goboleedyada iyo dowladaha hoose. Bixinta tababbaradaasi waxaa garab-socday qalabaynta dawladaha hoose kuwaa oo la gacangeliyay agabyo xafiis si xilkooda ugu gutaan uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed”.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Xildhibaan Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Hagidda Dad-dhagista oo ka hadashay Kulan Sandeedka 3-aad ee Guddiga Dad-dhigista Iyo Tarakoobka Xaaladaha Madaniga ayaa ka hadashay arrimaha guurka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Xildhibaan Khadiija ayaa si gaar ah u isu dultaagtay arrimaha guurka iyo xal u helidda cabaqadaha ka yimaada.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanad ka tirsan BF oo sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan

Caydiid Ali

Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Ciidamada Gorgor oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---