Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa wareysi uu siiyay majalladda Jeune Afrique waxaa uu adkeeyay ballanqaadka dalkiisa ee taageerada Soomaaliya, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada iyo xoojinta awoodda amniga.
Wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay dal istiraatiiji ah oo ay Turkigu ka go’an tahay inay ka taageeraan nabadeynta, dib-u-dhiska, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Fidan ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid qoto dheer, isla markaana Turkigu sii wadi doono taageerada dhanka difaaca, gargaarka bani’aadantinimo, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Wuxuu xusay in Turkigu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka si loo xoojiyo awoodda ciidan iyo sirdoon ee dalka.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo Turkiga uu dhawaan shaaciyay heshiis cusub oo iskaashi difaac ah oo uu la galay Soomaaliya, kaas oo ka mid yihiin tababar ciidan, dhisidda kaabayaal ciidan, iyo bixinta qalab lagama maarmaan u ah la-dagaallanka argagixisada.