Allbanaadir.com
NEWS

Wajiga labaad ee Mashruuca Baxnaano oo Muqdisho laga daahfuray

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo daahfuray wajiga labaad ee mashruuca Baxnaano ee daryeelka bulshada ayaa sheegay in mashruucaani uu caawiyo dadka danyarta ah wajigiisa koowaadna uu guul ku soo dhammaaday.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bogaadiyay guulihii uu xaqiijiyey masharuucan muddadii shanta sano ahayd ee uu shaqaynayey, waxa uuna faray hay’adaha ku shaqada leh in la dardargeliyo fulinta wajiga labaad, isaga oo ka mahadceliyey dadaalka la galiyey, si uu miradhal u noqdo.

Barnaamijka Baxnaano ayaa wajigiisa koowaad waxaa uu socday intii u dhexeysay 2019 ilaa 2024, waxaana ka faa’iideystay dad gaaraya 1.3 Milyan oo reer guuraa u badan, sida ay sheegtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo u xilsaaran fulintiisa.

Related posts

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Deegaan dhawaan lagala wareegay

Cabdi Cade

Qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo saaka ka socota Guriceel

Caydiid Ali

Hogaamiyaha Xisbullah oo hanjabaad culus u diray Dowlada Qubrus (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---