Allbanaadir.com
NEWS

Labo dowladood oo bixiyay lacago deyman ah oo lagu lahaa Syria

Bangiga Adduunka wuxuu sheegay in Sacuudiga iyo Qatar ay bixiyeen haraadiga deymo lagu lahaa dalka Syria, arrintaas oo suurtogalinaysa in la helo balaayiin dollar oo ka kaalmeynaysa dib-u-dhiska iyo kabidda miisaaniyadda xukuumadda cusub ee Dimishiq.

Bixinta deymihii lagu lahaa Syria waxaa kale oo ay Bangiga Adduunka u ogolaanaysaa in uu dib u soo celiyo xiriirkii uu lahaa dalkaas, uuna ka jawaabo baahidooda horumarineed.

Syria waxay u muuqataa mid cagta saartay tubta soo-kabashada, waxaana caawinaya hoggaanka oo u eg mid soo akhristay khibradaha dalalka ay ka dhaceen isbeddellada hoggaamineed ee ku yimid kacdoonka, kuwaas oo in badan oo ka mid ah ku guuldarreystay mideynta awoodaha gudaha ama maareynta mawaaqifta siyaasadaha dibadda.

Laakiin Suuriyada aan maanta arkayno, waxa ay isla heysataa awood gudaha ah oo uruursan, shacab u muuqda kuwa hadda dib u dhashay oo isbeddel ay u hammuun qabeen helay, dalalkii gobalka oo ka kala dhuumanaya in lagu eedeeyo xagal-daacinta isbeddelka; iyo tan ugu muhiimsan oo ah maamulka cusub oo loo arkayo mid faham fiican ka heysta fursadahaas aan kor ku sheegnay, doonayana in uusan dayacin.

Haddii ay sidan wax ku sii socdaan, Syria waxa ay noqon kartaa mid ka mida tijaabooyinka guuleysta ee ka-soo-kabashada degdegga ah ee colaadaha.

W/Q Maxamed A Dhaaley

 

Related posts

Faahfaahin: Weerar jidgal ah oo lagu qaaday ciidanka Kenya iyo Al-shabaab oo..

Caydiid Ali

Madaxwenaha maamulka Somaliland oo magacaabay 11-xil oo cusub (Akhrisi Digreeto)

Cabdi Cade

Kulankii Xildhibaanada golaha shacabka oo hal Sabab darteed u baaqday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---