Allbanaadir.com
NEWS

Ciidan Soomaali ah oo lagu tababaray Markabka SANTA MARIA F-81

Taliska Ilaalada Xeebaha Boliiska Soomaaliyeed iyo Markabka dagaalka SANTA MARIA F-81 ee howlgalka Midowga Yurub ee Atlanta ayaa wadajir u fuliyey tababar kor loogu qaadayo fulinta sharciga Badda iyo kobcinta awoodda ilaalinta sharciyada Badda

Tababarkan oo ku qabsoomay Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa bixinayey saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo la sovcda markabka

Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha deg degga ah, la dagaalanka Kalluumaysiga Sharci darada ah, ka hor tagga Burcad baddeeda iyo sugidda amniga marinada maraakiibta Ganacsiga Caalamiga ah.

Saddex Doonyood oo nooca hawlgalada ah iyo diyaarad Helicopter ah ayaa lagu fuliyey Tababarkan oo sidoo kale kor loogu qaadayey xirfadaha Saraakiisha ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaaradii ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha oo ka degtay Boosaaso

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay talaabada xigta ka dib deyntii laga cafiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---