Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo fuliyay howlgal khasaaro lagu gaarsiiyay Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macawuusleyda deegaanka ayaa xalay weerar ku qaaday xubno katirsan Al Shanaab oo isku uruursanayay inta u dhaxeysa deegaannada Towfiiq iyo Geedi-xeyr oo ka tirsan degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in ay heleen xogta xubno katirsan Al Shabaab oo isku aruursanayay deegaan ku dhaw Masaajid Cali Gaduud, sidaasna weerar culus ugu qaadeen.

Ciidanka ayaana ka saaray kooxda Al Shanaab deegaanka Geedi-xeyr halkaasi oo ay tan ilaa xalay ka wadeen baacsiga firxadkii Al Shanaab, waxa ayna gaarsiiyeen jab culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha fulisay howlgalka.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macawuusleyda , ayaa bilaabay in ay fuliyaan howlgallo gaadmo ah oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee dib ula wareegtay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Related posts

Askari Carbeed oo dil arxan daro ah u geestay Muwaadin Soomaaliyeed oo la xiray

Cabdi Cade

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish +Sawir

Cabdi Cade

Booliiska Muqdisho oo qabtay rag dil iyo dhibaatooyin kalaba geestay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---