Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa beeniyay sheegashada ku saabsan inay Maraykanka ka heleen qoraal ku saabsan heshiiska Nukliyeerka, isagoo sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay xaq u leedahay tayeynta nabadeed.
“Iran kama aysan helin wax soo jeedin ah oo qoraal ah Mareykanka, ha ahaato si toos ah ama si dadban,” Ayuu wasiirku ku yiri qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee X.
Qoraalkaan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Iran ay ka heshay soo jeedin la sheegay inay ka timid maamulkiisa, wuxuuna ka digay inaysan Iran dheg jalaq usiin arrintaasi.
“Haa waxay hayaan soo jeedin, laakiin waxaa ka sii muhiimsan, waxay og yihiin inay si degdeg ah u socdaan, wax xun ayaa dhacaya haddii aan la bixin jawaabo deg deg ah”, Ayuu yiri Trump.
Dowladaha Mareykanka iyo Iran, ayaa wadahadallo ka yeeshay arrinta Nukluyeerka Iran, mana jiraan wax heshiis iyo is faham oo labada dal ka gaareen wadahadalka dhax maray labada dal,