Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madsx sare oo katirsan dowladda Ciraaq.
Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa magaalada Bagdaad uga qaybgali doono meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta, waxaana shirkan diirada lagu saari doonaa arrimo badan oo taagan.
Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda, iyada oo Madaxwaynuhu Jamhuuriyaddu uu dhankiisa ka soo bandhigi doono halganka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa inta uu joogo magaalada Bagdaad waxa uu kulama kala duwan la qaadan doonaa qaar kamid ah madaxda carbeed ee shirka ka qeyb galeysa.