Askari Carbeed oo dil arxan daro ah u geestay Muwaadin Soomaaliyeed oo la xiray

Ciidamada booliiska kooxda Xuutiyiinta ee maamula inta badan dalka Yemen ayaa gacanta ku dhigay askari katirsanaa kooxdaasi oo si arxan daro ah u dilay muwaadin Soomaaliyeed oo dalkaasi kunoolaa.

War kasoo baxay booliiska kooxda Xuutiyiinta ee magaalada Sanca ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiiglaha dilay muwaadinka Soomaaliyeed oo baxsad ku jiray.

Saraakiisha ciidamada booliiska Xuutiyiinta ayaana xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiigle  Khaalid C/Baasid Yaxya oo 32-sano jir ah, kaa oo dil bareer ah u geestay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Ibraahim Cali Faarax  oo 36-jir ahaa.

Askariga Xuutiyiinta katirsan ayaa la sheegay in uu istaajiyay muwaadinka Soomaaliyeed oo shaqaale ka ahaa Jaamacada Aljazeera ee magaalada Sanca kadibna ku dhuftay shan xabadood markii uu sheegay Ibraahiim in uu Soomaali yahay.

Dalka Yemen oo kunool yihiin Soomaali badan ayaa marar badan tacadiyo kala kulma maleeshiyaadka hubeesan ee ka dagaalama qeybo kamid ah dalkaasi, mana helaan inta badan cadaalad dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi lagu dhibaateeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -