Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo qabtay rag dil iyo dhibaatooyin kalaba geestay (Sawirro)

Howlgallo ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho, ayaa lagu soo qabtay rag isugu jira askar iyo kooxo kale oo hubeysan ,kuwaa oo magaalada ka geestay falal isugu jira dilal, dhaawac iyo dhac.

Booliiska gobolka Banaadir ayaana soo bandhigay toban nin oo ku eedeysan in ay geesteen dambiyo kala duwan oo isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ayaa caawa loo soo bandhigay warbaahinta, raggan ayaana loo gudbinayaa hay’adaha caddaaladda si loogu qaado ciqaabta dambiyada ay geesteen.

” Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir waxay gacanta kusoo dhigeen 10 eedeysane oo dembiyo kala duwan ka geystay degmooyin ka tirsan caasimadda, waxaa ku socda baaris, marka ay soo dhamaato waxaa loo gudbin doonaa Cadaaladda.”ayaa lagu yiri warka caawa kasoo baxay booliiska.

Raggan dhibaatada ka geestay magaalada Muqdisho oo u badan ciidanka dowladda , ayaa laga soo qab qabtay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana raggan qaarkood la qabtay iyaga oo fal dambiyeed gacanta kula jira

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Villa Somalia ay ka baxday garabka musharax Khadiijo Max’ed Diiriye?

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Étienne Peterschmitt (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Cabasho ka taagan qaladaad ku jira natiijada Imtixaanka shahaadiga ah

Caydiid Ali