Allbanaadir.com
NEWS

Sarreeye Guud Sam Okiding oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay sarreeye Guud Sam Okiding, taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo Sarreeye Guud Okiding uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada ah ee caqabadaha ku haya nabadda iyo xasilloonida dalka.

Soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la muujiyay muhiimadda xiriirka milatari ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee dowladda Uganda ay ka qaadato nabadeynta iyo sugidda amniga Soomaaliya.

Dalka Uganda, ayaa kamid ah dalalka ciidamada nabad ilaalinta ah ka joogaan Soomaaliya, haddana ciidamada Uganda iyo kuwa kale ee dalka jooga ayaan door muuqda ku laheyn howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka dowladda iyo kuwa macawuusleyda kula dagaallamayeen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Somalia oo jawaab kulul siisay Xafiiska Qaramada Midoobay UNSOM

Caydiid Ali

Xildhibaano badan oo Saxiixay Mooshin ka dhan ah damaca dowlada Kenya 

Cabdi Cade

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Hub iyo kooxo falal amaan daro waday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---