Caro xoogan oo ka dhalatay Oday 91-sano jir ah oo xil loo magacaabay

Dhalinyaro badan oo u dhalatay dalka Kenya ayaa si weyn uga carooday xil dowlada u magacawday Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaasi Moody Awori oo maalmo kadib noqonaya 91-sano jir.

Dowlada Kenya ayaa u magacawday Moody Awori in uu kamid noqdo guddi kor kala socon doonto arimaha ciyaaraha dalka Kenya, waxaana xilkan loo magacaabay Moody uu buuq iyo caro badan ka dhaliyay gudaha Kenya.

Dhalinyaro u badan kuwa wax bartay ee u dhashay dalka Kenya ayaa si weyn uga carooday guddiga dowlada ku dartay Siyaasiga 91-sano jirka ah, waxa ayna dhalinyarada dowlada ku eedeesay in ay xaqireyso dhalinyarada.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay sheekada odayga 91-sano jirka ah ee dowlada guddiga ku dartay, waxa ayna dhalinyaro badan dowlada ku eedeeyeen in shaqooyinkii dhalinyarada duudsiineyso kana doorbideyso odayaal .

Mid kamid ah Dhalinyarada dalka Kenya oo lagu magacaabo Robert Alai ayaa sheegay in shaqada dowlada Kenya siisay Moody Awori ay bahdil iyo xaqiraad ku tahay dhalinyarada dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa difaacay xilka dowlada u magacawday siyaasiga 91-sano jirka ah, waxa uuna sheegay in dad hanti lunsanaya intii xilkaasi loo magacaabi lahaa ay muhiim tahay in loo magacaabo 91-sano jir daacad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -