Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo hakisay duulimaadyadii aadi jiray qaar ka mid ah gobolada dalka (Sababta)

Wararka laga helaayo garoonka Aadan Cabdulle, ayaa sheegaya in la joojiyay dhamaan duulimaadyadii aadi jiray Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Warar aan ka helay ilo xog ogaal ah ayaa Sheegay in Dowladda Soomaaliya ay baadi goob ugu jirto Wasiirka Amniga Jubbaland, oo shalay gacanta Dowladda ka baxsaday.

Talaabadan ayaa la sheegay in looga hortagaayo in uusan ku baxsan Duulimaadyada aada Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbalaand.

Ilo wareedyo ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaan la joojiyay duulimaadyadii maanta oo Arbaco ahaa ee aadi jiray degaano ka tirsan Gobolka Gedo, sida Garbahaarey, Luuq, Baardheere iyo Doolow, waxaana arintan lagu sababeeyey cabsi laga qabo in C/rashiid janan uu si qarsoodi ah uga dhoofo Xamar.

Shacab fara badan oo maanta u dhoofi rabay magaalooyinka aan soo sheegnay ayaa maanta safarkoodii baaqday ka dib markii uu saameyn ku yeeshay duulimaadyada la joojiyey.

C/rashiid Janan ayaa la sheegay inuusan marin karin dhulka, maadaama uu ka baqayo al-shabaab oo ku sugan degaano aad ugu dhow caasimada sababtaas ayaana la sheegay in DF xooga u saartay duulimaadyada aada gobolada dalka qaarkood.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya la heegan buuxa la geliyey ciidamo fara badan oo dhowaan DF ay geysay degmooyinka gobolka Gedo,  waxaana Booliska Somalia ay weli baadi goob ugu jiraan C/rashiid Janan oo shalay ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee RW Xamse Barre iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Doha? (Dawirro)

Caydiid Ali

Nin Muuqaallo anshax xumo ah ka duubay Gabdho da’yar ah oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Diblomaasiyadda Rooble iyo Dibna Qaniinka Farmaajo Ma Ka Badbaadin Doonaan Soomaaliya Muranka Itoobbiya iyo Masar?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---