Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Cumar Dheere iyo saraakiil kale oo qarax lagu dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in qarax lagu dilay  Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo saraakiil kale oo katiran ciidanka Milatariga.

Kolonyo gaadiid ah uu la socday Taliye Cumar Dheere  ayaa qara miino lagula eegtay meel ku dhaw deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiya qaraxan waxaa ku dhintay Taliyihii qeybta 12-ka April Jeneraal Cumar Dheer iyo sidoo kale Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay tiro kale oo kamid ah ciidanka Milatariga.

Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) ayaa dowladii KMG ee dalka kasoo noqday Xildhibaan iyo sidoo kale Wasiir kuxigeyn, waxa uuna hada ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka Milatariga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Horumarinta iyo dib u dhiska Magaalada Muqdisho oo laga shiray

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay dhismaha xarunta Garsoorka dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo hadal yaab leh ka sheegay Shirkii golaha Wasiirada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---