Go’aano laga soo saaray kulan Xasaasi oo ay ka qeyb galeen Maxamed Mursal iyo Jawaari ( Sawirro)

Waxaa maanta xarunta Villa Hargeysa kulan xasaasi ah ku yeeshay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Xildhibaano iyo Wasiiro kasoo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ka dhacay Villa Hargeysa waxaa kamid ahaa xubnihii kasoo qeyb galay Gudoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Sida aan wararka ku helnay kulankan ayaa ahaa mid looga arinsanayay doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo marar badan dib u dhac ku yimid iyo faragalinta la sheegay in dowlada Federaalka ku heyso doorashada.

Xildhibaanada iyo xubnihii kale ee kulanka ka qeyb galay ayaa Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal ku dhaliilay in uusan door muuqda ku laheyn masiirka umada uu matalo ee Koonfur Galbeed ayna xaqiraad ku sameeyeen Madaxda kale ee dalka.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa dowlada Federaalka ku dhaliilay in faragalin ku hayaan doorashada ayna lakala safanayaan Musharaxiinta, waxa ay sidoo kale Xildhibaanada kasoo horjeesteen ciidanka Baydhabo la geeyay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo xubnihii kale ee ka qeyb galay kulanka Villa Hargeysa ayaa go’aamiyay in dowlada Federaalka faragalinta ka dhaafto doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale xubnahan go’aamiyeen in aysan jiri doonin cid gaar ah oo laga hor istaagayo doorashada ka dhaceysa magaalada Baydhabo, waxa ayna kasoo horjeesteen ciidamadii dhawaan la geeyay Baydhabo.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay faragalin ku hyeyso doorashada Koonfur Galbeed ayna wadato musharax gaar ah, waxaa sidoo kale dowlada lagu eedeeyay in ay dooneyso Mukhtaar Roobow doorashada kahor istaagto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -