Allbanaadir.com
NEWS

Golaha amaanka ee QM oo dib u dhigay dacwad Sudan ka gudbisay Imaaraadka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay dib u dhigeen dacwad ay Suudaan ka gudbisay dowlada Imaaraadka Carabta

Suudaan ayaa ku eedeysay Imaaraadka inay dab ku shidayaan colaadda Suudaan, iyadoo la sheegay inuu Ingiriiska gudbiyay codsiga dib loogu dhigay dacwada ay Suudaan ka gudbisay Imaaraadka Carabta.

Dowlada Sudan ayaa marar badan ku eedeysay imaaraadka inuu taageero dhaqaale iyo mid milateri siinayo Xoogaga gurmadka deg deg ah Damu sariic oo muddo sanad ka badan la dagaalamaya ciidamada Sudan.

Tallaabada dib loogu dhigay dacwada ay Suudaan gudbisay, ayaa loo qaadan kara inuu Imaaraadka isku dayayo, sidii meel ka baxsan miiska Golaha Ammaanka uu ugu xillin lahaa dacwada Suudaan, si meesha looga saaro eedeymaha iyo warbixinta Khartuum ee ka dhanka ah Abu Dubai in telefishinnada laga arko.

Related posts

Gudoomiye Ciro oo ka hadlay arrin lagu arkay doorashadii Puntland & Galmudug

Caydiid Ali

Prof. Saciid Ciise: “In maanta Jufo ay xoog ku raadiso xil ummadeed waa nasiib daro”

Caydiid Ali

Booliiska Sri Lanka oo raali galin ka bixiyay Sawir ay si khaldan u adeegsadeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---