Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay hal hadaf oo ka go’an dowladiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarka dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada iyo dib-u-dhiska, Waxa uuna carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda.

“Tobannaankii sano ee la soo dhaafay Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya, hadal kaliya ma ahayn balse ficil, waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababbaro ciidamo Booliis ah, la horumariyo iskuullada iyo in la caawiyo beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay shirkii ugu dambeeyay ee 11aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo ay ka soo baxeen go’aamo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka.

“Waxaan seeska u dhigaynaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay, oo ka madax bannaan faragelin iyo cabsi. Wax fudud ma ahan balse waxa aan ognahay in Dimuqraadiyaddu ay mudan tahay.”

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in hadafku dowladdu yahay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ka dhacaysa dhammaan gobollada dalka, waxaana uu intaas raaciyay in aanay jiri doonin doorasho dadban, oo dadka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari doona cidda hoggaamin doonta.

Related posts

Maxay ka dhigan tahay haddii Somalia ka mid noqoto dalalka shidaalka dhoofiya?

Caydiid Ali

Akhriso Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Shirkii Qaahira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---