Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsan Al Shabaab

Ciidamada kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen degaanka Caliyoow Barow Ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay kusoo qabteen sargaal katirsan Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheesan oo lagu baacsanayay dagaalyahanada Al Shabaab ee mararka qaar soo gaara deegaanada katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Danab ayaa la sheegay intii howlgalka wadeen in ay ku qabteen sargaal la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa miinooyinka la galiyo deegaanka Caliyoow Baaroow iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay howlgalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta degaannadaas ay ka saarayaan Al-Shabaab, waxaayna ugu baaqeen Shacabka inay la soo wadaan xogaha ku saabsan Al-Shabaab.

Ciidamada Danab ayaa howlgalo qorsheesan mararka qaar ka fuliya deegaano katirsan gobolada dalka, waxa ayna ciidamadan howlgalkooda marka ay fuliyana kadib dib ugu laabtaan xeryihii ay ka duuleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=s59OWj4ctOw&t=1s

Related posts

Qoor-qoor oo war ka soo saaray doorasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali

Akhriso: Miisaaniyadda 2020 iyo Faah faahinta Guud ee Mushaaraadka Ciidamada iyo Agoonta!

Cabdi Cade

Ciidanka ECOWAS ee ku duulaya dalka Niger oo heegan la geliyey & Mareykanka oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---