Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo sii deysay maxbuuska Edan Alexander

Al-Qassam waxay ku  dhawaaqday  iney sii daayeen  maxbuuska Israa’iili/Amerikaanka ah “Idan Alexander” ka dib wada-xaajoodyo lala yeeshay Washington

Waxay xaqiijiyeen in go’aankani yahay qayb ka mid ah dadaallada dhexdhexaadayaashu wadaan si loo joojiyo dagaalka loona geliyo gargaarka gudaha Qaza.

Ururku wuxuu intaas ku daray in ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasul weyn inta lagu guda  jiray wada-xaajoodyada sii deynta maxbuuskan,

Waxay tilmaameen in sii socoshada gardarrada lagu hayo Qaza ay kordhinayso silaca maxaabiista isla markaana ay keeni karto dhimashadooda.

Ururku wuxuu sidoo kale ugu baaqay maamulka Trump in uu sii wado dadaalkiisa lagu joojinayo dagaalkan bahalnimada ah ee uu hoggaaminayo Benjamin Netanyahu kaasooo lagu xasuuqay carruur, dumar, iyo shacabka aan hubaysnayn ee Qaza.

Ciidanka Israa’iil, ayaa lagu wargeliyay xabbad-joojin ka dhacaysay marinka Qasa maanta 12:00 duhurnimo, si loo sii daayo maxbuuska Mareykan-Israa’iiliga ah, Edan Alexander, sida uu ku warramay telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12.

Related posts

Maxaa ka qaldan Shirkada Beco? (Shacabka Muqdisho oo qaati ka taagan koronto xumo)

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu Adam Abdelmoula ku soo arkay Suuqii gubtay ee Hargeysa?

Caydiid Ali

Ciidamo xoog ku galay xarun Baarlamaan si loo ansixiyo lacag ay qalab ku iibsadaan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---