Allbanaadir.com
NEWS

Ciro oo gudbiyey ashtako ka dhan ah Somalia

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta khadka xidhiidhka Fogaal-Aragga (Virtual Meeting) kulan sagootin ah kula yeeshay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee xilka ka sii degeya Danjire Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha waxa uu uga mahad celiyay Danjire Mike Nithavrianakis xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal (Somaliland iyo Ingiriiska), wada shaqaynta iyo taageerada ay Dawladda Ingiriisku u fidiso Somaliland, gaar ahaan xagga Amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, waxaana uu Dawladda Ingiriiska ka codsaday in ay sii laban laabto taageerada ay u fidiso Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Danjire Mike Nithavrianakis la wadaagay mudadii uu xilka hayey waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha jira. Gaar ahaan Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay hawlaha muhiimka ah ee ay Xukumaddu ka qabatay xagga Amniga, sida: Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, Nabadaynta Gobollada Bariga iyo Diiwaangelinta Casriga ah ee Qaybaha kala duwan ee Ciidamada.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha u sheegay wax uu ug yeeray hurinta colaadaha iyo fara gelinta qaawan ee ay Xukuumadda Soomaaliya ku hayso Qarannimada Somaliland, xag dhul, bad iyo xagga hawadaba.

Danjire Mike Nithavrianakis waxa uu Madaxweynaha Somaliland uga mahad naqay kulanka sagootiska ah iyo wada shaqaynta iyo is-fahanka wacan ee uu Danjiruhu la lahaa Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa, isaga oo Danjiruhu Somaliland yimid marar badan (10 jeer). Sida oo kale, Danjire Mike Nithavrianakis waxa uu bogaadiyey dedaallada nabadda ee ay Somaliland ka wado Gobolada Berriga.

Ugu dambayntii, Danjiraha waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey wax qabadkii ay Xukuumadiisu ku tallaabsatay 100-kii maalmood ee ugu horeeyay muddo xileedka Xukuumadda.

Related posts

DF oo amartay la soo xiro agaasime loo heysto musuq, lana xanibo akoonkiisa

Caydiid Ali

Hirshabelle oo yeelaneysa dekad iyo Garoon si casri ah loo dhisayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Codkiisa saakay dhiibtay Fariina u diray Shacabka Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---