Allbanaadir.com
NEWS

Dab qabsaday qeyb ka mid ah Suuqa Bakaaraha

Dab ayaa caawa qabsaday dhisme ku yaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare maaliyadeed.

Dhismahan ganacsi ee Dabku ka kacay ayaa ku yaalla qeybta Dawooyinka ee Suuqa Bakaaraha, waxaana dabka uu ka dhashay fiilo koronto sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

“Dabku waxaa uu qabsaday dhisme weyn oo kuwa ganacsiga ah kuna yaalla qeybta daawada ee Suuqa Bakaaraha waxaana gebi ahaan basbeelay lix dukaan oo dhismahaas uu ka koobnaa” ayuu yiri midc ka mid ah ganacsatada Suuqa ee jooga ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka dab demiska G/Banaadir & Hormuud oo halkaas gaaray markiiba iyo dhismaha dabku qabsaday oo jidad fiican lahaa ay sababtay in markiiba lagu guuleysto deminta dabkaas oo la bakhtiiyey intuusan ku faafin qeybaha kale ee Suuqa.

Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa haatan degan ka dib markii laga hortagay dabkaas oo haddii uu faafi lahaa geysan karay dhibaato badan, lamana soo sheegin illaa hadda khasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo hantida ku gubatay dhismaha basbeelay oo aan la ogeyn tirakoobkeeda.

Suuqa bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho iyo guud ahaan geeska Afrika ayaa 30kii sano ee la soo dhaafay gubtay marar badan kuwaasoo geystay khasaarooyin malaayiin dollar gaaraya.

Related posts

Puntland oo war ka soo saartay sababtii Guddoomiye Sacdiya loogu diiday Garowe

Caydiid Ali

Wasiir si adag uga hor yimid Go’aankii Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Caqli xumo & Cirweyni ayaa ka jirta D/Hoose ee Ceelasha Biyaha”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---