Maxay ka dhigan tahay haddii Somalia ka mid noqoto dalalka shidaalka dhoofiya?

ishii Maarso ee sanadkaan 2019 ayey Somaaliya soo bandhigtay shidaal laga helay Badweynta Hindiya ee u dhaxeysa Kismaayo ilaa Hobyo, kadib waxaa soo baxay dawlado, hay’ado iyo shakhsiyaad welwel ka qaba shidaalka Somasliya!

Hadaba waxaa isweydiin mudan; shidaalka Somaaliya faa’iido iyo fursad miyuu u yahay Somaaliya, Gobalka iyo Caalamka? Mise waa dhib iyo culeys kusoo kordhay Somaaliya, Gobalka iyo Caalamka?

A. Dad ayaa qaba aragti ah; 
1. In shidaalku abuuri karo khilaaf hor leh Somaalida dhexdeeda iyada oo maantaba u kala qeybsan Gobalo iyo Qabaa’il?
2. In shidaalku keeni karo khilaaf dhex mara Somaaliya iyo dawladaha deriska iyo kuwa carabta ee leh shidaalka?
3. In shidaalku keeni karo in Somaaliya ay ku dul hardamaan dawladaha waaweyn ee galbeedka iyo bariga una diidaan xasilooni?
4. In shidaalku keeni karo cadaawadda dawladaha iyo ha’adaha ka faa’iidaysta amni-darada iyo gaajada Somaaliya?
5. In shidaalka ay si gaar ah uga faa’iidaysan karaan madaxda haysa talada dalka kadibna ay noqon karaan boqoro sida carabta haysata shidaalka?

Tusaale waxa ay u qaateen dadkaas;
Shaqaaqada ka aloosan dalalka Nigeria, Ciraaq, Liibiya, Angola, Sudan, Yemen iwm oo uu sababay shidaal ay soo saareen iyaga oo aan hana karin!

B. Dadka intiisa badan ayaa qaba aragti ah;
1. In shidaalku ka saari doono Somaaliya: faqriga, gaajada, amni-darada, kala qeyb-sanaanta, gobaleysiga, qabiilaysiga, dawarsiga iwm?
2. In Shidaalka Somaaliya uu ka qeyb-qaadan-doono dhismaha iyo kobaca dhaqaalaha dalalka deriska ah iyo adduunkaba iyada oo ay maantaba ka shaqeystaan Somaaliya shaqaale ajnabi ah oo lagu qiyaasay ilaa 200 kun, shidaalka ka dibna ay ka shaqeyn-doonaan ilaa 20 milyan?
3. In shidaalka Somaaliya uu soo jiidan-doono danaha dawladaha waaweyn iyo maal-gashigooda, kana qeyb-qaadan-doonaan xasilinta iyo midaynta Somaaliya?
4. In shidaalku uu siin-doono Somaaliya awood ay uga qeyb-qaadato xasilinta gobalka iyo xallinta khilaafka carabta?
5. In shidaalku uu Somaaliya u sahli-doono dhismaha dawlad dimoqiraadi ah oo ku dhisan sharci, cadaalad iyo sinaan, lehna hay’ado matala dadka oo leh awood dawlad-nimo?
6. In shidaalku yareyn-doono musuq-maasuqa iyo tuugada, sad-bursiga siyaasadda iyo dhaqaalaha?

Tusaale waxa ay u qaateen dadkaas;

Dawladaha Khaliijka oo siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo nolol ahaanba xasilan, ayna ku tiirsanyihiin dhaqaalaha dawladaha waaweyn ee reer galbeedka! Sidoo kale dadkooda oo lagu qiyaaso ilaa 50 milyan ay la noolyihiin ilaa 25 milyan oo ajnabi ah oo ka shaqeysta, shidaal-kuna uu yahay kan ka badbaadiyey in ay is dilaan ama ay ka qaxaan dhulkaas saxaraha ah ee aan lagu noolaan karin shidaal la’aan!

Hadaba labadaas aragti ee shidaalka Somaaliya kee baa suurta gal ah in lagu gaari karo nabad, xasilooni iyo horumar?

Haddii shidaalku uu faa’iido iyo fursad u yahay Somaaliya, Gobalka iyo Caalamka sidee loo fahamsii karaa dadka Somaaliyeed iyo deriskooda?

W/Q: Maxamed Gacal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -