Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa wadajir u soo xiray tababar u socday ciidamo ka tirsan Daraawiishta.
Wasiirkan iyo taliyaha booliiska , ayaa sidoo kale howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya EUCAP kala wareegeen gaadiid iyo agab ciidan oo loogu talagalay ciidamada la Tababaray .
Ciidankan tababarka loo soo xiray ,ayaa loo carbiyay ka hortagga falalka lidka ku ah ammaanka, waxayna awood u leeyihiin la dagaalanka Khawaariijta ,Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta xiliyada ay howlgallada ku jiraan maadama lagu tababaray shuruucda iyo xirfadaha la horumariyay ee Booliisku ku shaqeeyo oo mudnaan gaar ah siinaya Bulshada Soomaaliyeed.