Allbanaadir.com
NEWS

Jabhad 40 sano dagaalameysay oo hubka dhigtay

Xisbigii Shaqaalaha Kurdistan ee dagaalka kula jiray Dowlada Turkey ayaa maanta si rasmi ah u xaqiijiyay iney hubka tuureen nabadana qaateen.

Xisbigaan ayaana mudo 40 sano ah dagaal kula jiray dowlada Turkiga waxayna ugu dambeyn go’aansadeen in tabashadooda qaab siyaasadeysan u xaliyaan.

Isdhiibista xisbigaan ayaana imaaneyso kadib markii hogaamiyahooda Cabdullaahi Ooglan oo mudo 26 sano ah u xiran Dowlada Turkey uu ugu baaqay iney hubka dhigaan, xisbiga ayaana shir ay ku yeesheen Waqooyiga Ciraaq ku iclaamiyay u hogaansamida go’aanka hogaamiyahooda.

Warkan ayaana noqon doono mid muhiimad weyn u leh Turkey iyo guud ahaan mandaqada, balse sidoo kale wuxuu dhabar jab ku noqon doonaa Israel oo kooxdaan mar walba soo hubeyn jirtay, si ay Turkiga u dhabar jabiyaan.

Madaxweyne Erdogan, ayaa maanta xaqiijinaya guushii u sarreysay ee uu ka gaarayo ururka PKK ee kurdida, oo 40 sanno kaddib maanta si rasmi ah u shaaciyay inay hubka wareejinayaan, lana kala dirayo dagaalyahannada ururkan.

Kooxdan waxay muddo dheer khatar ku ahayd xasilloonida gudaha Turkiga, iyagoo u dagaallamayay xuquuqda iyo inay madax bannaani helaan gobollada Kurdida ay degganyihiin ee Turkiga , balse wahadallo muddo socday wuxuu Erdogan ku guuleystay in kooxdan ay hubka dhigaan, taa oo hoos u dhigaysa khatarta gudaha.

Related posts

Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxreyn Iyo Fal Celiskii Soomaalida Baraha Bulshada.

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Madaxweynaha Kenya iyo Raila Odinga oo dardar lasoo baxay

Cabdi Cade

Qoorqoor oo kulan xasaasi ah iskugu yeeray Saraakiisha amniga Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---