Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo baxay wadahadalkii Iran & Mareykanka?

Waxaa  soo gebageboobay  wareeggii afraad ee wadahadallada dadban ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka oo ka dhacay magaalada Mascat ee dalka Cuman iyadoo ay dhex-dhexaadinayso Saldanadda Cumaan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku qoray barta “X” qoraal uu kaga hadlayo dhammaadka wareeggii afraad ee wadahadallada dadban ee Iiraan iyo Mareykanka.

“Wadahadalladii wareeggii afraad ee u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka ayaa hadda soo dhammaaday; waxay ahaayeen wadahadallo adag, balse faa’iido leh si loo fahmo si fiican mowqifka labada dhinac iyo in la raadiyo waddooyin macquul ah oo dhab ah oo lagu xallin karo khilaafaadka jira” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in dhexdhexaadiyaha wada xaajoodka  saldanada Cumaan ay shaacin doonto waqtiga iyo goobta wareegga xiga ee wadahadalla.

Mareykanka ayaan ka hadlin natiijada ka soo baxday Wadahadalladii wareeggii afraad ee wadahadalka Iran

Related posts

Daawo Video: “Afgambigii 21 Octoobar 1969 kii ka dib muxuu kacaankii ku tilaabsaday..? (Xasuus)

admin

Khilaaf adag oo ka dhashay halka lagu dooranayo Gudoonka guddiga doorashada Puntland

Caydiid Ali

Dil ka dhacay Muqdisho iyo Banaan bax looga soo horjeeday oo dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---