Guul-darrada ay Hindiya ka wajahday Pakistan , waxay ka imaanaysay khaladaad farsamo iyo sirdoon, tani waa wax inoogu baahan si caqligal ah in loo fallanqeeyo, laakin ka warran inay Hindiya ahayd dalkii labaad ee hubka ugu badan caalamka soo iibsaday intii u dhaxeysay 2020 illaa 2024, kaliya waxaa ka horreysa Ukraine oo dagaal waqti dheer socda kula jirta Ruushka.
Qof walba wuxuu la yaabay sida ay Hindiya iska horimaad ugu deg degtay, markii ay toogashada ka dhacday Kashmir oo isla markiiba ay Hindiya ku eedeysay Pakistan , kaddibna ay qaaday ficillo ka dhan ah Pakistan illaa ay si dhaqso ah u weerartay Pakistan,sababtoo ah sidan waxay u sameynaysay Hindiya , waxay isku arkaysay inay ku jirto waqtigii ugu wanaagsanaa ee hubka iyo tiknoolajiyada oo ay u arkaysay waqti ku habboon xiisad si awooddaa loo tijaabiyo, balse natiijada waxay noqotay mid fadeexad usoo jiiday Hindiya..!
Hindiya, waxay hubka ugu badan ka soo iibsatay Ruushka , oo lagu qiyaasay 35% , halka Faransiiska ay ka soo iibsatay 33%, waxaa ku xiga Israa’iil oo ay ka iibsatay wax u dhig hubka ay heysato 18% , inta soo hartay ee 13% ayaa ah dunidda kale hubka ay ka soo iibasatay Hindiya.
Wuu gaabanyahay liiska Pakistan oo hubka ay heysato 81% , waxay ka soo iibsatay Shiinaha , 10% dalk Netherland, halka Turkiga oo aad is waydiinayso ay Pakistan ka soo iibsatay kaliya 6% hubka ay heysato , dunidda intee kalena 9% ayay ka soo iibsatay Pakistan , sida lagu shaaciyay xogta ay soo bandhigtay Al Jazeera.