Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khilaaf adag oo ka dhashay halka lagu dooranayo Gudoonka guddiga doorashada Puntland

Sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Allbanaadir Online Puntland ayaa ka biyo-diidday in doorashada Guddoonka Guddiga Doorashada heer dowlad-goboleed ee Puntland lagu qabto Muqdisho halkaasoo maanta ay isku doorteen Guddiyada Doorashada ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Ilo kala duwan ayaa sheegeya in xubnaha Guddiga ay Puntland magacowday oo 8 qof ah lagu amray inay Garoowe ku laabtaan isla markaasna isku doortaan halkaas.

Hase ahaatee xubnaha saddexda ah ee DFS ku dartay guddigaas ayaa ka biyo-diiday iney tagaan Garoowe, iyagoo ku adkeysanaya in doorashada gudoonka ay ka dhacdo Muqdisho sida ay yeeleen maamulada K/galbeed iyo Galmudug.

Puntland ayaa ka cabsi qabta in haddii doorashada Gudoonka guddigeeda doorashada lagu qabto Muqdisho ay saameyn iyo fara gelin ku yeelato DF.

Arrintan ayaa muujineysa in dowlada dhexe iyo maamullada qaar ay weli ka dhexayso kala aragti-duwanaan iyo kalsooni daro sababtay wada shaqeyn la’aan iyo kala shaki.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaam Salaad Dhoolayare oo kulan muhiim ah la qaatay Waxgaradka beesha Habar-gidir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dad badan oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Aaskii Suleimani (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir gudoomiyay kulan lagusoo bandhigayey Qorshaha Horumarinta Caasimada (Sawirro)

admin
Taboola Ads ---