Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday Al Sahbaab ka fuliyey tuulooyin hoostaga deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.
Howlgalka ayaa ciidamada intii ay wadeen waxa ay gaareen tuulooyinka Kuraaw-rooge iyo Dhanbalka, halkaas oo la sheegay in ay joogeen dagaallamayaal katirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaa oo dhibaato ku hayay dadka ku dhaqan tuulooyinkaasi.
Ciidamada ayaana burburiyay fariisimihii kooxda Al Shabaab ku lahaayeen tuulooyinka ay gaareen, waxaana la sheegay in kooxda argagaxisada goobahaasi kasoo abaabuli jireen weeraro iyo dhibaatooyin kale ay la doonayeen shacabka iyo ciidamada.
Gashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nishow Cali iyo taliyaha daraawiishta Burjaad G/le Awul Ibraahim Cabdullaahi, ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay ahayd xaqiijinta amniga, ciribtirka Al Shabaab, iyo xoojinta haykalka dowladnimo ee deegaanka.
Ciidanka xoogga dalka , ayaa mararka qaar howlgallo kooban ka fuliya deegaanno iyo tuulooyin ay joogaan kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada dib ugu laabtaan saacado kaddib saldhigyadii ay markii hore kasoo duullaan tageen.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com