Allbanaadir.com
NEWS

Britain oo soo dhaweysay qorshe ay wado dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan kulan la yeeshay wafdi ay hoggaaminaysay Harriet Mathews, oo ah madaxa Xafiiska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Biritayn. Harriet Mathews waxay mar ahayd Safiirka UK u fadhiyay Soomaaliya muddo-xileedkii kowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wafdiga ayaa ku amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ugu jirto dhismaha dowladnimada iyo sidii si nabad ah loogu dhammayn lahaa colaadda ka taagan waqooyiga Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigtay qorshe nabadeed oo ku saabsan maamulka Sool, Sanaag, Cayn-Khaatumo iyo maamulka Somaliland. Dowladda Ingiriiska ayaa taageertay qorshahan, iyadoo u aragta inuu yahay tallaabo muhiim ah.

Hoggaamiyaha SSCK, Cabdulkadir Aw Cali, ayaa oggolaaday qorshaha nabadeed ee dowladda federaalku waddo kaas oo ku saleysan ixtiraamka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sanadkii 2023, maamulka Somaliland oo ah maamul gooni-u-goosasho doon ah, ayaa lix bilood duqeyn ku hayay magaalada Laascaanood, isagoo ku doodayay in aysan degmadu ka tirsanayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii ay duqeyntu socotay, Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo jeediyay xal labo-dowladood ah si loo joojiyo colaadda, iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ugu baaqay goosasho-doonka inay ciidammadooda kala baxaan duleedka Laascaanood.

Sanadkii 2024, maamulka Somaliland ayaa isku dayay inuu Itoobiya u kireeyo degmo xeebeed ka tirsan Soomaaliya, taasoo si cad uga hor imaaneysa qarannimada Soomaaliya. Bishii Diseembar 2024, wadahadallo lagu qabtay Turkiga, Itoobiya waxay u hoggaansantay inay ixtiraamayso madax-bannaanida Soomaaliya, kaddib heshiis taariikhi ah oo uu abaabulay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee dalka Turkiga., heshiiskaas oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Related posts

Qoor Qoor oo xariga ka jaray Warshad cusub oo laga hirgaliyay Caabudwaaq (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Xasan Xamsa Asad (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Kenya oo cadeysay mowqifkeeda la xiriira aqoonsiga Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---