Intii ay soomaaliya gaar ahaan koonfurta ay ku hoos jireen maxmiyadii Talyaaniga dalka waxaa ka jiray dowladdii lagu magacaabi jiray rayidka, waxaana hogaanka dowladaasi u hayay rag siyaasada iyo halgankii gobinimo doonka kaalinw ayn kasoo qaatay.

Hadaba dowladaasi ayaa dadku waxay ku sheegaan in ay noqotay dowlad musuqa iyo isdaba marinta kaalintii ugu horaysay ka gashay caalamka intiisa kale, waxaa faraha ka baxay nabad galyadii alka oo dhan, heer doorashooyinkii la isaga shubto, kadibna ay iska hor yimaadaan ciidankii booliska iyo dadwaynaha, heer dadwaynihii qaar rasaas lagu furay.

Ammaankii iyo xasiloonidii ayaa faraha ka baxay, dagaal joogto ah ayaa qabaa’ilada ka dhax aloosmay heer la gaaray in caasimada laba beelood ku diriraan, waxaana Radio Muqdisho laga baahiyay codsi nuxurkiisa ahaa” Abgaal iyo Murusade  dagaalka xaafada wardhiigleey ka socda ha joojiyeen“.

Fowdadii iyo nabadgelyo la’aantii waa ay kasii dartay, heer la gaaray in madaxwaynihii dalka C/rashiid cali sharmaarke uu toogto askarigii loo xil saaray ilaaladiisa iyo badbaadadiisa, askarigaasi oo xilkiisa ahaa in uu madaxwaynaha gurigiisa iyo safarada uu tagayo la socdo, laakiin sabab u noqday in uu isaga toogto, waxaana halkaasi ku cad in  loo adeegsaday muruqa CQS iyo maalka qaranka.

Doorashooyinkii dhacay 1958,64, ilaa 1969  ayaa ahaa kuwa si harcad ah loogu shubtay, walibana gobolo aan doorasho ka dhicin ayaa la arkay in codeyn been abuur ah laga soo sameeyay, waxaana arrintaasi sabab u ahaa Ururkii SYL oo ku shubtay.

Xaaladii markii ay faraha ka baxday ayaa ciidankii qalabka siday ayaa awoodii dalka kula wareegay afgambi aan dhiig ku daadan, afagambigii lagu majaxaabiyay dowladii xiligaasi jiratay dadwaynaha waxay kusoo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo rayrayn, iyagoo aad ugu bogaadiyay talaabadii ay qaadeyn xoogii dalka, soomaalida oo dhan si hagar la’aan ah ayeey u taageereen golihii sare ee kacaanka, daacadnimo ayaa loola shaqeeyay, ducana waa loogu dara

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -