Dil ka dhacay Muqdisho iyo Banaan bax looga soo horjeeday oo dhacay (Sawirro)

Askari katirsan ciidanka Minishiibiyada gobolka Banaadir ayaa nin darawal ka ahaa Mooto bajaaj ku dilay Isgooska Sanca ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkan si weyn uga carooday darawalada mooto bajaajta iyo dadweyne kale.

Sida aan wararka ku heleyno askariga dilka geestay iyo ninka wade ka ahaa mooto bajaajta ayaa waxaa dhax maray muran, waxaana markii dambe askariga uu goobtaasi ku dilay wadaha mooto bajaajta.

Askariga dilka geestay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana Isgooska Sanca ka dhacay banaan bax rabshado watay ay dhigayeen dhalinyarada mooto bajaajta ka xeysa iyo dadweyne kale oo dilka ka careesnaa.

Dilalka ay ciidamada dowlada u geesanayaan dhalinyarada ku shaqeysa mooto bajaajta ayaa sii kordhaya, dhoor habeen kahor ayey aheyd markii askari ciidanka dowlada isla Isgooska Sanca ku dilay nin Bajaajle ahaa.

Dowlada Soomaaliya ayaan talaabo muuqan ka qaban askarta dilalka u geesata darawalada mooto bajaajta, waxaana sii kordhaya beegsiga ciidanka loogu tala galay in amaanka shacabka ilaaliyaan u geesanayaan dadkii ay amaankooda ilaalin lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -