Allbanaadir.com
NEWS

India & Pakistan oo xad gudubyo isku eedeeyey

Hindiya iyo Pakistan ayaa midba midka kale ku eedeeyay “xadgudub” saacado ka dib markii labada waddan ay sheegeen inay ku heshiiyeen xabbad-joojin ka dib maalmo ay socdeen weerarro millatari oo xudduudaha ka gudbaya.

Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir qeybta ay Hindiya maamusho, wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya Vikram Misri ayaa sheegay inay jireen “xadgudubyo soo noqnoqday oo ku saabsan fahamkii aan gaarnay”.

Wax yar ka dib, wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay “ay ka go’an tahay dhaqangelinta daacadda ah ee xabbad-joojinta…inkastoo ay jiraan xad-gudubyada ay Hindiya ka geysanayso meelaha qaarkood”.

Mareykanka, Turkiga iyo Sacuudiga ayaa si wadajir ah uga qeybqaatay dadaalladii lagu joojiyay iska horimaadkii toddobaadyadii u dambeeyay u dhaxeeyay Pakistan iyo Hindiya  sida uu xaqiijiyay Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan

“Raisal Wasaareyaasha Modi iyo Sharif waxay muujiyeen xikmad, dulqaad iyo hoggaan dooranaya waddada nabadda, taasoo mudan bogaadin.” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Waxaa  soo gebageboobay  wareeggii afraad ee wadahadallada dadban ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka oo ka dhacay magaalada Mascat ee dalka Cuman iyadoo ay dhex-dhexaadinayso Saldanadda Cumaan.

Related posts

Daawo Video: “Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo dhaliilay siyaasadda A/Dibadda ee dowladda Somalia

admin

ATMIS oo ku faantay in ay qeyb ka ahaayeen Dagaaladii Al Shabaab looga saaray qeybo kamid ah Hiiraan

Cabdi Cade

Goobo lagu isticmaalo Maandooriyaha oo kuyaallay Muqdisho oo la xiray iyo Digniin lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---