Taliyaha hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Sambaloolshe, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah taliyo qeybeedyada NISA ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale taliyaasha degmooyinka gobolka qaarkood.
Sanbaloolshe oo warar soo baxaya sheegayaan in maalmaha soo socda xilka laga qaadayo, ayaa kahor inta uusan xafiiska banneenin waxa uu xilka ka qaaday taliyaal muddo dheer heestay qeybo kamid ah gobolka Banaadir iyo sidoo kale degmooyin.
Taliyaha NISA, ayaana saraakiisha uu xilalka ka qaaday ku beddelay kuwa kale oo cusub una badan kuwa isaga aad ugu dhaw dhaw, waxa uu sidoo kale taliyaal saldhigyo ka dhigay saraakiil ay wateen xildhibaanno iyo siyaasiyiin saaxiib dhaw la ah.
Taliska sare ee NISA ayaa marka isbeddel lagu sameyn rabo hoggaankeeda sare kahor inta aysan xafiiska banneen waxaa caado ka dhigteen in ay dallacsiiyaan askar iyo saraakiil aad ugu dhaw dhaw , sidoo kale xilal cusub yu magacaabaan dad ku dhaw dhaw iyo kuwa ay wataan xubno saaxiib la ah.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in taliyaha hay;’adda NISAÂ loo magacaabo Mahad Maxamed Salaad oo horey isla hay’addan taliye uga soo noqday, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Sanbaloolshe lagu qanciyay in xilka banneeyo.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com