Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad Afrikaan ah oo ka carootay hadal uu Trump soo dhigay bartiisa Twitterka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika Lindiwe Sisulu ayaa sheegtay sida ay uga xun tahay in Maraykanku uu ku guuldaraystay inuu adeegsado wadiiqooyinka diblamaasiyada, markii uu soo bandhigayay walaaca uu ka qabo siyaasadda dhulka ee Pretoria.

Lindiwe ayaa dareenkeeda la wadaagtay diblamaasi sare oo Maraykan ah oo ay ugu yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo ku saabsan muranka sii xoogaysanaya ee labada dal ka dhaxeeya oo salka ku haya qorshaha ay Koonfur Afrika ku doonayso inay ku qaadato qaybo ka mid ah dhulka ay leeyihiin beeralayda caddaanka ah iyagoo aan wax magdhaw laga siinaynin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in siyaasaddaasi ay Koonfur Afrika u weecinayso jid khaldan, fariin uu Twitterka soo dhigay Trump-na wuxuu ku sheegay “in beeralayda Koonfur Afrika dhul laga qaadanayo, tiro badanna laga laynayo”

Wakaaladda arrimaha beeraha ee Koonfur Afrika oo magaceeda loo soo gaabiyo Agrisa ayaa sheegtay in dilalka ka dhaca beeraha uu gaaray meeshii u hoosaysay muddo 24 sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Abaabulka Banaan bax ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo socda 

Cabdi Cade

Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo ka hadlay Guusha Ilhan Omar iyo Omar Fatah

Cabdi Cade

Maamulka Somaliland oo shaaciyay tirada dadka ku dhintay roobabka & kuwa lala yahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---