Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho & Booliska oo War ka soo saaray

Qarax xoogan ayaa saaka ka dhacay degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir kaasoo meelo badan laga maqlay jugtiisa.

Taliska booliska Somalia oo war ka soo saaray qaraxaas aya sheegay inuu ka dhashay mooto Bajaaj ay wateen Al-shabaab oo qaraxday xili ay eryanayeen ciidamada amaanka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

Maanta 16/Apr/2023, abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa  dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday  Waaxda Gen Daa’uud, dhagartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka,  qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray iyo Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr ama Isbilatka Yardimeli.

Dhacadaas waxaa ku bilowday baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda  kala wadaagidoonaa.

Related posts

Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Stockholm

Caydiid Ali

Mid kamid ah Gudoomiye kuxigeenada G/Banaadir oo ku dhaawacymay qaraxii labaad (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo Hadiyad hadal heyn badan dhalisay siiyay Boris Johnson (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---