Wararkii Ugu Dambeeyay Banaan baxyo rabshado wata oo laga cabsi qabo in Muqdisho ka dhacaan iyo ciidamo badan oo…

Waxaa maanta laga cahsi qabaa in magaalada Muqdisho ka dhacaan banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo dowlada federaalka, waxaana abaabulka banaanbaxan uu yahay mid si weyn loo dareemayay saacadihii lasoo dhaafay.

Banaan baxa ayaa la sheegay in xisbiyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada federaalka Soomaaliya abaabulayaan, waxaana abaabulka banaan baxa si weyn looga dareemay baraha bulshada.

Sida aan wararka ku helnay dadka banaan baxa daaha gadaashiisa ka abaabulaya ayaa sheegay in banaan baxa uu yahay mid nabadeed oo looga soo horjeedo fashilka dowlada Farmaajo gaar ahaan dhinaca amaanka.

Taliyaha ciidanka Booliska Somalia Jen. Bashiir Cabdi Max’ed ayaa uga digay shacabka inay ka qeyb qaataan banaanbaxyo uu sheegay in dano gaar ah laga leeyahay oo  laga qaban-qaabinayo Muqdisho.

Dhinaca kale dowlada ayaa saakay ciidamo badan soo dhoobtay wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan loogu tala galay in ay ka hortagaan sidoo kale fashiliyaan banaan baxa la abaabulayo.

Siyaasiyiin ,Culumaa’udiin, Waxgarad iyo haweenka Muqdisho ayaa ka digay banaan baxyada la abaabulayo, waxa ayna ugu baaqeen dadka abaabulka wada in ay dareenkooda ku muujiyaan si nabad ah ayna fasax usoo qaataan banaan baxa.

Banaan baxyada abaabulkiisa socda ayaa lagu eedeeyay in ay dhaqaalo ku bixinayaan dowlado shisheee oo adeegsanaya Siyaasiyiin horey xilal dilka uga soo qabta kuwaa oo mar kale rajo ka qaba in dalka wax ka noqdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -