Qashinka tuban Qubuuraha Barakaad ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Qubuuraha Barakaad hadda ma ahan oo kaliya meel lagu asturo meydka qofka Muslimka ah, waxay sidoo kale goor hore noqdeen meel looga soo tago caagadaha qajaclayaasha ah ee biyaha lagu cabo. Taas waa marka loo eego muuqaalka ka jira oo runtii ah mid aan u qalmin mootadeenna.

Bacda balaastikadu hadda waxaa la oran karaa waa mid aan kaliya gaar ku aheyn bulshada magaalooyinka ku nool, balse ay dhib ku qabaan ahlul qubuurka. Tiro lagu hilaadin karo 150 xabo oo qajaclayaasha biyaha lagu cabo ee balaastikada ah ayaa lagu isticmaalaa  maalin walba qubuuraha mar kasta  oo qof la aasayo.

In yar kaddibna waxay ku biiraan kumaankun kale oo goor hore la isticmaalay kaddibna la isaga xooray qubuuraha dushooda.

Gees-ka-gees marka aad jeedaaliso, afarta jiho ee Qubuuraha waxaa ku firdhisan qajaclayaal duugoobay iyo kuwo dhawaan-galay kuwaas oo xabaal walba ag jiifa. Dadka xabaalaha qoda iyo kuwa soo raaca meydka intuba waxay goobjoog u ahaayeen sida Qubuurahani uga tageen asalka dabeecadda ‘nature’ iskuna beddeleen gudaafad lagu qubo balastikada.

Shalay subax waxay aheyd maalin kale oo aan ka marqaati noqday sida xil-iska-saarid la’aanta leh oo xabaalaha dushooda – inta biyaha lagu dul cabo – kaddibna qajaclihii oo maran lagu dul xooro.

Inaan sawir nool kaa siiyo sida uu isku beddelayo muuqaalka Qubuuraha waxaa iiga filan inaan kuugu tusaaleeyo muuqaalka aad ku arki karto jidadka iyo laamiyada caasimadda kuwaas oo sida ubaxyada loogu daadiyo balastikada.

Balse ma ahan oo kaliya Qubuuraha Barakaad midda qura oo mushkiladdan la nool. Maadaama ay tahay xabaasha ugu weyn oo loo sagootiyo dadka ku dhinta caasimadda Muqdisho, sidoo kale waa midda ugu badan ee la nool halista balastikada. Waxaana hubaal in xabaalaha kale ay wajahayaan mushkiladda si isla’eg.

Is-beddelka muuqaalka Qubuuraha Barakaad aalaaba ma aheyn sidaan oo kale. 9o-meeyadii oo ah markii si xooggan loola qabsaday in aas loo adeegsado,  dabeecadda degaan ahaaneed ee ka dhex jirta waxay aheyd mid aan indhaha wax u dhibin. Maanta, muuqaalkeeda aad buu uga weydaaran yahay midka shalay ka jiray.

Dad badan waxaa laga yaabaa inay su’aal ka keenaan sida loogu istaagi karo ka jawaabidda mushkiladda bacda balastikadu ay ku heyso ahlul-qubuurka maadaama ay ku dhib qabaan dadka iyo duunyada nool.

Dabcan marka haddii aynan awoodi karin inaan lasoo noqo qajaclayaasha durba marka laga leysto biyaha ku jira, marka horaba yaan loo qaadin si loogu soo cabo dhexdeeda.

Balse taasi waa xalka ugu weyn. Su’aasha ah sidee dib loogu celin karaa nadaafadda bilic ahaaneed ee Qubuuraha ayaa u baahan in loo helo jawaab loo midaysan yahay.

Halka ay jiraan dadaallo gaabis oo dad xoogsato ah ay ugu jiraan inay dib uga soo gurubsadaan gajaclayaasha marka laga cabo biyaha, haddana tirada dadkaas oo aan u kooban – oo aan sidoo kale heli Karin fursad ay maalin walba qashinka uga qaadaan Qubuuraha iyo isticmaalka joogtada ah ka jira ayaa ficilkooda ka dhigaya dhibic ku dhacday badweyn biyo ah.

In la sameeyo ol’ole ballaaran oo lagu nadiifinayo Qubuuraha magaalada si dib loogu hubsado bilicdooda, waa xalka ugu weyn. Waxaa kale oo taas laf ahaanteeda feersocda in Qubuuraha lagu diyaariyo caagado waaweyn oo qashin-qub ah oo inta lagu ururiyo qashinka ‘qajaclaha’ dib loogu soo celiyo magaalada si loo isticmaalo.

 Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com

 

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -