Nin u dhintay tijaabada daawo la sheegay in xabadda ka hortageysa oo lagu sameeyay

Nin ayaa lagu toogtay gobolka Bauchi ee waqooyi bari dalka Nigeria, xilli uu ku jiray waxa loogu yeero “bullet-proof charm” ama “quraafat la sheegay inay kaa difaaci karaan xabadda”, afhayeenka booliiska Axmed Wakil ayaa sidaas yiri.

Ninka qofka toogtay oo dhakhtar dhaqameed ah ayaa la xiray, isaga iyo laba tuhmane, halka tuhmane kale ay baxsad ku jiraan, ayuu raaciyay afhayeenka booliiska gobolka u hadlay.

Tijaabada ku saabsan waxtarka “daawada ka hortaga xabadda” ayaa lagu sameeyay 43-jir tuulo katirsan gobolka Bauchi, ninkan ayaana magaciisa lagu sheegay Muhammadu Ali , waxa uuna u dhintay rasaastii tijaabada aheyd ee lagu dhuftay.

Ciidamada booliska deegaanka ayaa isla markii ay maqleen toogashada goobta si deg vdeg ah usoo gaaray, waxayna isbitaalka u qaadeen Mudane Cali oo dhaawac ahaa , balse markii uu goobta gaaray ayaa la sheegay inuu dhintay.

Booliiska ayaana sheegay in maxkamad lasoo taagi doono ninka falka toogashada geestay iyo rag kale oo gacan ka geestay, waxa ayna booliiska uga digeen shacabka in arrintan oo kale ku kacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -