Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo labo weerar ku qaaday Magaalada Tel-aviv

Ciidamada Xuutiyiinta Yemen, ayaa laba weerar oo cusub waxay ku garaaceen Jaffa oo ku taalla magaalada Tel Aviv, waxaana ay soo rideen diyaarad Maraykan ah oo sahan u ahayd oo maraysay waqooyiga Yemen.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Yemen Yaxya Saree ayaa lagu xaqiijiyay in ay ku guulaysteen howlgal ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo lala beegsaday goob ay ciidamada Israa’iil ku lahaayeen deegaanka Jaffa ee magaalada Tel Aviv.

Warbixin kale oo ay soo saareen ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa ku dhawaaqay in cutubkooda difaaca cirka ay ku guulaysteen inay soo ridaan diyaarad Drone ah oo wax basaasa oo Maraykanku leeyahay, taas oo magaceeda lagu sheegay Giant Shark F360, iyada oo adeegsanaysay gantaalka cirka isku shareeray ee waqooyiga gobolka Sacda.

Dadka reer Yemen ayaa ku dhawaaqay inay si cad u taageersan yihiin halganka Falastiin ee ka dhanka ah gumeysiga Israel tan iyo markii taliska uu bilaabay dagaalka ba’an ee Gaza 7-dii October kaddib markii dhaqdhaqaaqa iska caabinta falastiiniyiinta ee dhulka Falastiin ay qaadeen weerar aargoosi ah oo lama filaan ah, oo loogu magac daray Operation Al-Aqsa Storm, oo ka dhan ah maamulka qabsaday.

Related posts

Muxuu danjire Cali Cagabaruur kala hadlay Dr. Issahaq Umar Iddrisu? (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoyska Jamal Khashogi oo shaaciyay in cafiyeen dadkii dilay Aabahood

Cabdi Cade

Aabe Fal argagax leh u geestay cunug uu dhalay oo labo bilood jira (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---