Allbanaadir.com
NEWS

Xubno ka tirsan Daacish oo isku dhiibay ciidanka Puntland (Sawirro)

Firxadkii kooxda Daacish ee ku ku jiray togga Miraale ayaa bilaabay inay isku dhiibaan ciidamada difaaca dowladda Puntland, kaddib markii jiho kasta laga go’doomiyay.

Saddex xubnood oo ka tirsan firxadkii kooxda Daacish ee ku dhuumanayay ceelka Miraale oo baxsad ah ayaa isu dhiibay dad reer miyi ah, kuwaasoo iyana ku wareejiyay ciidamada difaaca Puntland.

Saddexda xubnood oo ka kooban laba ajaanib ah iyo mid Soomaali ah ayaa ka baxsaday Duqeyntii ceelka Miraale, kuwaasoo noqday wax dhintay iyo wax go’doonsan.

Xubin kamid ah kuwa is dhiibay ayaa sheegay in saaxiibadiis ay noqdeen wax dhintay, wax go’doonsan iyo qaar kala lumay oo buuraha u kala firxaday, kuwaasoo aan jiho iyo meel laga jiro aqoon kuna sugan xaalad jahwareer ah.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay iney dileen mid ka mid ah sadexda nin ee isa soo dhiibay, weli ma cadda sababta nafta loo dhaafiyey qof maxbuus ah oo isa soo dhiibay.

ciidamada difaaca Puntland oo shalay hawlgal ka sameeyay togga Miraale ayaa soo arkay meydad badan oo daadsan goobihii diyaaraduhu duqeeyeen, oo ay ka carareen firxadkii kooxda,waxaana halkaasi loogu tegey awr ay gaadiid ahaan u isticmaali jireen.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Miisaaniyadda dowlada ee 2019 Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyaddii 2018 oo dib loogu noqonayo iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Waaxeed Caawa lagu dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---